Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay shirka Cimilada Adduunka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay shirka caalamiga ah ee Cimilada Adduunka.

Shirkaan ayaa ka qabsoomay magaalada Sharma ee dalka Masar, waxaana ka qayb galaya inta badan madaxda caalamka, waxaana diiradda lagu saaray xaaladda Isbadalka cimilada adduunka.

“Madaxweynaha ayaa madasha shirka uu ku qabsoomay waxa uu kulammo kula qaatay Madaxweyneyaasha, Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Aljeeriya Mudane Cabdulmajiid Tamuun, Kenya Mudane William Ruto, Imaaraatka Carabta Mudane Maxamed Binu Saayid, Burundi Évariste Ndayishimiye, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Ra’iisul Wasaaraha Finland Marwo Sanna Marin,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo khuburada cimilada Soomaaliyeed ee ku wehelisa Shirka COP-27 ayaa la wadaagay Madaxda Caalamka, saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha oo ka mid ah saameynta isbeddelka cimilada.
314413110_515376237300187_12623344839815
314508639_515376310633513_38102517360486
313431802_515376417300169_73841049139097
313105966_515376380633506_37887048824568
312935673_515376363966841_57238808808919
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this