Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qayb-galay Shirka Isbeddelka Cimilada Adduunka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1667834926539.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay furitaanka shirka caalamiga ah ee Cimilada Adduunka (COP27) oo maanta magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar uga furmay Madaxda Caalamka.

Madaxweynaha ayaa madasha shirka uu ku qabsoomay waxa uu kulammo kula qaatay Madaxweyneyaasha, Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Aljeeriya Mudane Cabdulmajiid Tamuun, Kenya Mudane William Ruto, Imaaraatka Carabta Mudane Maxamed Binu Saayid, Burundi Évariste Ndayishimiye, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Ra’iisul Wasaaraha Finland Marwo Sanna Marin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo khuburada cimilada Soomaaliyeed ee ku wehelisa Shirka COP-27 ayaa la wadaagay Madaxda Caalamka, saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha oo ka mid ah saameynta isbeddelka cimilada.

FB_IMG_1667834914164-1.jpg?resize=720%2C FB_IMG_1667834903201-1.jpg?resize=720%2C FB_IMG_1667834910480-1.jpg?resize=720%2C FB_IMG_1667834918216-1.jpg?resize=720%2C FB_IMG_1667834922149-1.jpg?resize=720%2C FB_IMG_1667834926539-1.jpg?resize=720%2C FB_IMG_1667834930853-1.jpg?resize=720%2C FB_IMG_1667834936908-1.jpg?resize=720%2C FB_IMG_1667834944239-1.jpg?resize=719%2C FB_IMG_1667835094542-2.jpg?resize=720%2C

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qayb-galay Shirka Isbeddelka Cimilada Adduunka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this