Sign in to follow this  
Deeq A.

Is barbardhiga warbixin sanadeedkii ciidamada police ka jamhuuriyada somaliland ee 2021 iyo 2022

Recommended Posts

Deeq A.   

 

ISBAR-BAR DHIG IYO WARBIXINTII CIIDANKA POLICE JAMHUURIYADA SOMALILAND EE 2021 IYO 2022.

 

War bixin sanadeedkii pol 2021 War bixin sanadeedkii pol 2022 faraq
Tirada guud ee dambiyada 19,230 Tirada guud ee dambiyada 27,801 8,571
Kiisaska beenoobay 4,400 Kiisaska beenoobay 5,565 1,165
Kiisaska heshiis ku dhamaday 6,085 Kiisaska beenoobay

11,320

5,535
Baadhis ku jira 1,077 kiis Baadhis ku jira 540 -537
Kiisaska maxkamada galay 7,668 Kiisaska maxkamada galay 10,916 3,248
Dilalka dhacay  89 Dilalka dhacay  60 -29
Kufsi  232 Kufsi  266 34
Shilalka gaadiidka 5,581 Shilalka gaadiidka 5,829 248
Dadka ku dhintay shilalka 212 Dadka ku dhintay shilalka 148 -64
Falalka abaabulan 27 qof Falalka abaabulan 12 -12 qof
Mukhadaradka la qabtay 41,000 ltr khamr

 

Mukhadaraadka la qabtay

71,000 ltr

29,000 ltr
Xashiishad

5,110 kg

Xashiishad

75 kg

-5035kg
Khasaaraha gaadiidka ku burburay shilalka

5,581

Khasaaraha gaadiidka ku burburay shilalka

5,829

 

248 gaadiid ah

 

 

War bixin sanadeedkii ciidamada police ka jamhuuriyada Somaliland ay sameeyeen labadii sanadood ee ugu dambaysay ayaa waxa aan ku sameeyey is barbar dhig si aynu u ogaano bal xaalada dhabta ah ee dalka , waxa is badalay mudadaasi sanadka ah .

Sidoo kale waxa aan soo jeedinayaa in qaabka loo soo bandhigo warbixinta sanadeedka policeka jamhuuriyada Somaliland aanay ahayn mid ku haboon , sababtuna waxa ay tahay si xil la isaga saaro waa in war bixin walba lagu xusaa dambiyada ugu badani halka ay ka dhacaan oo la helaa warbixinta oo goboleysan , degmaysan ama ilaa heer tuulo ay ku muujisan tahay .

Arinkaasi waxa uu inaga caawinayaa in xooga la saaro hadba halka dhibtu ka taagan tahay isla markaana la ogaado waxa sababaya fal dambiyeedyada faraha badan ee meeshaasi dheer tahay dalka intiisa kale.

Hadii aad warbixintani si wanaagsan u dhuuxdo waxa aad ogaanaysaa in aanu ka soo raynin dambiyada dalka ka dhacaa ee ay sii bateen 75% , waa arin laga xumaado isaga oo dhaqaalaha dalku ama miisaaniyada qaranku 35% lagu bixiyo amniga dalka dhinacwalba , sidoo kale ciidamada nabadgalyadu tababaro iyo dhaqaaleba ka helaan dawladaha ay jamhuuriyada somaliland xidhiidhka wanaagsan leeyihiin, hay’adaha qaramada midoobay , hay’adaha nabadgalyada ee caalamka iyo guud ahaan police ka aduunka.

Mohamed Abdi Jama

Mohamed dhimbiil

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this