Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo arrima Ganacsi u aadaya dalka Zambia

Recommended Posts

Deeq A.   
124970388_b66c34b4-2ce8-40b5-b124-71f92e

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya ayaa ku sii jeeda dalka Zambia.

Madaxweyne Deni ayaa sida wararku xaqiijinayaan ku wajahan magaalada Lusaka ee caasimadda Zambia waxaana la sheegay in uu halkaas u tegayo arrimo Ganacsi iyo dhaqaale.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhinaca kale Caawa la kulmaya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya oo ay ku jiraan Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ugu danbayn uu safarkiisa ku soo mari doono dalalka Imaaraadka Carabta iyo Jabuuti.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo arrima Ganacsi u aadaya dalka Zambia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this