Sign in to follow this  
Deeq A.

“Gabboose Wax Ma Yeeli Karo WADDANI Inta Uu Maxamuud Xaashi Wax Yeeli Karo KULMIYE….” Siyaasi Cali Gurey

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), Guddoomayiha Urur siyaasadeedkii Halgan ayaa sheegay in uu la yaabban yahay siyaasadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee ku aaddan qorshaynta xaaladda siyaasadeed ee ku aaddan Ururrada la diiwaan galiyey ee muddooyinkii ugu dambeeyey ku tartamayay in ay ka gudbaan shardiga madax taabashada Kunka qof isaga oo sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi xisbigiisa KULMIYE ridayo ee aanu ridayn xisbiga WADDANI ee ay siyaasadda isaga soo hor jeedaan.

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo inta badan ka faallooda arrimaha siyaasadda iyo qabsoomidda doorashooyinka dalka ayaa qoraal kooban oo uu shalay ku baahiyey bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay sida uu ula yaabban yahay damaca Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee ku aaddan hannaanka siyaasadeed ee uu doonayo in uu kula dagaalamo WADDANI oo u muuqda sida uu Cali u dhigay qoraalka mid aanu WADDANI kulaa dagaalamayn ee uu kula dagaalamyo xisbigiisa KULMIYE, shakina uu kaga jiro gaar ahaan in uu Madaxweynuhu la hadhayo wasiirkiisa Daakhiliga Maxamed Kaahin Axmed oo la filayo in uu yahay ninka mansabka guddoomiye ee xisbiga KULMIYE uga dambayn doona Madaxweynaha.

Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo arrintan ka hadlayaa waxa uu qoraalkiisa ku yidhi sidan: “Waar bal kaalaya. Aniga wuu iga horeeyaye Muuse markuu ardayga ahaa xisaabta miyuu ku xumaa? Oo wuxu socdaba saw kan Kulmiye riday. Waxan moodayay in uu WADDANI ridayo eh. Mise waabu u kasay? Hadda Maxamed Kaahin iyo Maxamuud Xaashi kee buu la jiraa? Mooyi malaha ninka loo koodhayba waa saaxiibkay Maxamed Kaahin. Gaboose ma yeeli karo Waddani inta Maxamuud Xaashi uu yeeli karo Kulmiye.

Ururrada kale badankoodu waxay kala googoosanayaan hadhaaga Kulmiye ee Maxamuud Xaashi ka soo hadha” ayuu yidhi Cali Guray.

Hadalkan Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ka dambeeyey kadib markii shalay si rasmi ah Guddida diiwaan galinta ururrada siyaasadda iyo nidaamka axsaabta qaranku ay ugu dhawaaqeen ururrada usoo gudbay wareegga labaad ee ka soo gudbay shuruudihii hore ee lagu kala saarayay ururada kuwaasi oo ah sagaal urur oo u soo gudbay wareegyada ugu dambeeya ee lagu kala reebayo.

Ururrada sagaalka ah ee ay shalay ku dhawaaqeen Guddida diiwaan galinta Ururradu ayaa kala ah: Waaberi, Kaah, Ogaal, Barwaaqo, Hillaac, Shacabka, Horseed, Rajo iyo Mideeye.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this