Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal khasaaro gaystay oo ka dhacay Qaayib

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Qaayib ee hoostaga degmada Baxdo ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in xubna ka tirsan ururka alshabaab ee weerar ku qaadeen.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-shabaab ay weerar ku bilawday qarax ay ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ah ay ku lahaayeen Qaayib.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaalka ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo dhinac ah iyo ururka alshabaab ku dhexnmaray deegaanka Qaayib.

Illa iyo hadda ma cadda tirada khasaaraha rasmiga ah, balse wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo saacado qaatay uu hadda soo dhamaaday.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this