Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdi uu hogaminayo oo xalay gaaray dalka Masar

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1667798987181.jpg?resize=720%2C65

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Sharma El Sheikh ee dalka Masar.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdigiisa ayaa ka qayb-galaya shirka Cimilada Adduunka ee COP-27 kaas oo ka furmaya magaalada Sharma El Sheikh ee dalkaas.

Wefdiga Madaxweynaha ayaa Shirka la wadaagi doona saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay Soomaaliya oo ay kamid yihiin Nabaad-guurka iyo Abaaraha soo noq-noqday.

Shirka Cimilada COP-27 ayaa sidoo kale waxa ka qayb-galaya Madax kala duwan oo ka socda Qaaradda Afrika iyo guud ahaan dalalka Dunida.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdi uu hogaminayo oo xalay gaaray dalka Masar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this