Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   
20221025638022922601509360.jpg?resize=66

Af-hayeenka wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya S/Guuto Cabdullaahi Cali Caanood ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal saaka ka dhacay degaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud.

Af-hayeenka ayaa sheegay in dagaalka uu bilowday kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadday fariisimaha Ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Galmudug ku leeyihiin degaanka Qaayib.

Gen. Caanood ayaa tilmaamay in Al-shabaab dagaalkaas khasaare xooggan lagu gaarsiiyay islamarkaana ay mar dhow soo bandhigi doonaan khasaarihii kooxda la gaarsiiyay.

Qaayib ayaa kamid ah degaannadii u danbeeyay ee Gobolka Galgaduud ee Al-shabaab laga saaray oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Galmudug.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this