Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shirka COP-27 ka qayb-galayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Sharma ee dalka Masar, halkaas oo uu kaga qaybgalayo shirka COP-27.

Madaxweynaha ayaa lagu soo dhaweeyay dalka Masar, waxaana uu madaxweynaha ka jeedin doona shirka khudbad dhinacyo badan taabaneyso oo uu kaga hadlay xaaladda dalka iyo isbadalka cimilada.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galaya shirka caalamiga ah ee Cimilada Adduunka ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya

Madaxweynaha iyo khuburada cimilada Soomaaliyeed ee ku wehelisa Shirka COP-27 ayaa la wadaagaya Madaxda Caalamka, saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha oo ka mid ah saameynta isbeddelka cimilada.
314401383_514782347359576_26907323522884
313167900_514782440692900_87560838965389
314328194_514782380692906_80737468657186
313281523_514782450692899_35565283315373
313112380_514782467359564_31722367893802
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this