Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar ku billowday ismiidaamin ku qaaday deegaanka QAAYIB

Recommended Posts

Deeq A.   

Baxdo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka aroortii hore xoogaga Al-Shabaab ay weerar ku billowday qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha ku qaadeen deegaanka Qaayib oo hoostaga degmada Baxdo oo ka tirsan gobolkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in marka hore Al-Shabaab ay qarax ku dhufteen saldhig ku yaalla halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyey xubnaha weerarka qaaday iyo ciidamada Galmudug oo garab ka helaya kuwa dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu weli socdo, islamarkaan uu yahay mid xoogan kaas oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyey in khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay weerarkan, waxaana ku dhintay illaa 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen 10 kale.

Xog aan ka helnay ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale sheegeysa in ciidamada huwanta ay sameeyeen iska caabin xoogan, taas oo sababtay in khasare badan lagu gaarsiiyey xubanaha weerarka soo qaaday.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo dhanka Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas iyo dagaalka xigay

Deegaanka Qaayib oo dhaca duleedka degmada Cadaado ayaa dhowaan waxaa la wareegay ciidamada Galmudug, kadib markii ay isaga baxeen xoogaga Al-Shabaab oo muddo maamulayey deegaankaasi, waxaana saaka markale ay ku soo qaadeen weerar rogaal celis ah oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

The post Al-Shabaab oo weerar ku billowday ismiidaamin ku qaaday deegaanka QAAYIB appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this