Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Nin ‘taageeri jiray’ FARMAAJO oo qirtay inuu dhibaateeyey dad badan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah taageerayaashii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu dhibaateeyey dhowr qof oo mucaarad ku ahaa dowladii Farmaajo.

Ninkaan oo magaciisa la qariyey ayaa la soo xariiray Kheekh Usuuli oo barnaamij ka baxa TV-ga Universal su’aalaha diiniga ah lagu weydiiyo.

Ninka la soo xariiray Sheekha ayaa yiri, “Xiligii dowladii hore ee Farmaajo Allaha xafidee ayaan taageero u ahaa, mucaarad badan ayaa joogay magaalada, ana waan dili jiray qofkii ka soo hor jeeda Farmaajo.”

Ninkaan ayaa sheegay in dadka uusan toos u dili jirin, balse ay garaafo gaarsii jireen, isaga iyo koox kale oo la taageersaneed madaxweyne Farmaajo.

“Dhimasho ma geysan, laakiin dadka inta luuq u galno ayaan nabar xoog leh ku dhufa jirnay, marka dadkaas ma ayagii ayaan cafis weydiistaa? Mise Ilaahey ayaan cafis ka baryaa?” ayuu yiri ninkaan la soo xiriiray Sheekh Usuuli.

Wuxuu sheegay in nin kale oo ka tirsanaa ciidamada dowladda uu ku hagi jiray dadka la beegsanayo ee mucaaradka ku ahaa Farmaajo.

Sheekh Usuuli ayaa u sheegay ninkaas la soo xiriiray inuu cafis weydiisto dadkii uu dhibka gaarsiiyey hadii uu garanayo, sidoo kale wuxuu kula dardaarmay in qof dambe uusan u dhibaateyn fikirkiisa ama raali gelinta qof kale.

Hoos ka daawo

 

The post Daawo: Nin ‘taageeri jiray’ FARMAAJO oo qirtay inuu dhibaateeyey dad badan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this