Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xamza oo maanta maamuusay dhakhaatiir Muqdisho u timid gurmad

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Dhaqaatiir ka socday dalka Jabuuti oo dhawaan yimid magaalada Muqdisho.

Dhakhaatiirtaan ayaa dalka u timid sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dhaawacyada dadka ay wax yeelladu ka soo gaartay qaraxyadii lagu hoobtay ee 29-kii bishii hore ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Dhaqaatiirta oo gaareysa 20 ayaa intii ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho waxay ka qeyb-qaateen daaweynta iyo daryeelka dhaawacyada ku jira isbitaallada Muqdisho, iyagoo gacan siinaya dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey dhaqaatiirta, dowladda iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti taageeradooda hagar la’aaneed ee ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed xiligan adag.

Sidoo kale waxa uu xusay doorkii muhiimka ahaa ee dowladda Jabuuti ay ka geysatay dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo ku ammaanay sida ay mar walba ugu taagan yihiin gacan qabashada ummadda Soomaaliyeed marxalad walba oo ay ku sugan yihiin.

Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha aya sidoo kale waxaa ka qeyb galay sii-hayaha Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed-Rashiid Ibraahim Yuusuf iyo Guddiga Qaranka ee Gurmadka Qaraxii Zoobe 2.

Dowladda Jabuuti ee uu hogaamiyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhawaan Dhakhaatiirtaan usoo dirtay caasimada dalka ee Muqdisho, si ay qeyb uga noqdaan samatabixinta dhaawacyada qaraxyadii 29-kii bishii hore ka dhacay Isgoyska Zoobe.
313407614_475426538019831_23797232905122 312716287_475426608019824_57103930057443 312805173_475426594686492_59869033429728 313431487_475426604686491_44594040552063 313166508_475426581353160_78346521300782 314359260_475426861353132_71793404024303 313298302_475426584686493_42032259146733 Cali-Xaaji.jpeg Haruuse.jpeg 313400369_475430284686123_46108113086314 312707507_475426858019799_48800717651960 312820250_475426514686500_45785083215488 314411532_475426874686464_79122462400789 312753558_475426984686453_73983833065815

The post Sawirro: Xamza oo maanta maamuusay dhakhaatiir Muqdisho u timid gurmad appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this