Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo isugu yeeray guddi muhiim u ah dagaalka Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Guddiga Qaran ee la-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo ka hortagga maalgelinta argagaxisada ee (AML/CFT) ayaa ku adkeeyey dardar gelinta qorshaha qaran ee lagu curyaaminayo ilaha dhaqaale ee maal-geliya kooxda Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab ee dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo furimaha dagaalka, waxa uuna tilmaamay doorka muhiimka ah ee ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sidii dadka Soomaaliyeed looga dulqaadi lahaa xasuuqa, boobka iyo gumeysiga ay ku heyso argagixisadu.

Guddigan Qaran oo la aas-aasay sanadkii 2016-kii ayaa waxaa ku mideysan hay’adaha dowladda ee dhanka dhaqaalaha, amniga iyo garsoorka, waxayna Madaxweynaha uga warbixiyeen baraarugga ganacsatada Soomaaliyeed ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Guddiga ayaa warbixintiisa ku sheegay hoos u dhac weyn uu ku yimid dhaqaalaha baadda ah ee Al-Shabaab ay ka qaadi jireen ganacsatada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku celiyey go’aankiisii ku aaddanaa ganacsatada la macaamisha Al-Shabaab, waxa uuna sheegay in ciddii dhaqaale siisa argagixisada ay door ka qaateen qaraxyada iyo xasuuqa lagu gumaaday ardayda, hooyooyinka, waxgaradka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee birmu-geydada ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu faray in la dar-dar geliyo qorshaha ciribtirka khataraha maaliyadeed, si dalka loogu diyaariyo in uu ka gudbo qiimaynta hey’ada la dagaalanka Khataraha maaliyadeed ee Bariga Dhaxe iyo Waqooyiga Afrika (MENAFAT).

Kulankan waxaa ka qeyb galay  Wasiirrada XFS ee Maaliyadda, Cadaaladda, Amniga, Ganacsiga, Agaasimaha Guud ee Hey’adda Sirdoonka Qaranka, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Agaasimaha Hey’adda Warbixinada Maaliyadeed (FRC).

313287566_514602247377586_48241040808439 314374029_514602230710921_78969391962707 amniga-iyo-maaliyada-cilmi-iyo-doodishe. Mahad-Salaad.jpg wasiir-doodishe.jpg wasiir-xasan-macalin.jpg Xamse-xamze.jpg Xasan-iyo-wasiirro.jpg Xasan-Sheekh-1.jpg xeer-ilaaliyaha-suleymaan-suleemaan.jpg

The post Sawirro: Xasan Sheekh oo isugu yeeray guddi muhiim u ah dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this