Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa u safray Masar +Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Sharma-Sheekh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galaya shirka caalamiga ah ee cimillada adduunka ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar.

Madaxweynaha iyo khuburada cimillada  Soomaaliyeed ee ku wehelisa Shirka COP-27 ayaa la wadaagaya Madaxda Caalamka, saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirkaas ku soo bandhigaya qorsheyaasha dowladda Soomaaliya ay kula taacaleyso abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha oo ka mid ah saameynta isbeddelka cimillada.

Shirkaan uu ah mid caalami ah, isla markaana ay isugu imaanayaan madax aad u badan ayaa ka furmaya magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caawa ka ambabaxay Muqdisho, waxayna gaareen magaalada uu shirkaasi ka furmayo ee Sharma Sheekh, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Masar.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka bii’ada iyo wasiiru dowlaha madaxtooyada ayaa madaxweyne Xasan Sheekh safarkaan ku wehliya.

312845331_514782394026238_45132948320612 312964590_514782410692903_87344978743624 313326474_514782354026242_11517419345523 313405496_514782370692907_81095458686276 314401383_514782347359576_26907323522884 abshir-bukhaari.jpg carabta-calamo-qaahira.jpg xasan-iyo-haruuse.jpg xasan-safar.jpg xasan-Sheekh-2.jpg

The post Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa u safray Masar +Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this