Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha Pakistan oo beeniyay eedayn uga timid Imran Khan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa si adag u beeniyay eedeymaha uga yimid hogaamiyaha mucaaradka, Imran Khan oo ku eedeeyay in uu ku lug lahaa shirqool lagu dili rabay.

Ra’iisul wasaare Sharif ayaa ka codsaday maxkamada sare in ay baaritaan ku sameyso Mr Khan sheegashada uu sameeyay.

Hoggaamiyaha mucaaradka Imran Khan oo khamiistii ka qayb-galayay dibad-baxyo ka socda dalkaas ayaa nin hubaysan isku dayay in uu toogasho ku dilo, balse lug ayuu ka dhaawacay.

Waxaa maalintii labaad guud ahaan Pakistan ka socda isu soo baxyo ay wadeen taageerayaasha Mr Khan oo looga horjeedo dowladda Pakistan.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaaraha Pakistan oo beeniyay eedayn uga timid Imran Khan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this