Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin ka socda Galmudug oo booqday Ciidamada ku sugan degmada Wisil

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1667720570347.jpg?resize=720%2C32

Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe oo uu wehliyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Xuseen shire Bukhaari ayaa maanta booqday Furimaha Ciidamada Daraawiishta Galmudug ku leeyihiin duleedka gegmada Wisil

Wafdiga ayaa booqday Xeryaha Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Deegaanka ee Dagaalka kula jira Maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al shabaab waxaana ay ku bogaadiyeen Ciidamada difaaca shacabka.

Sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa la kulmay Saraakiisha Daraawiishta, kuwa Deegaanka iyo maamulka degmada Wisil waxaana ay ka dhegaysteen baahiyaha ka jira degaanka.

Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa degaanka ayaa dagaal kula jira kooxaha Al-shabaab ee ku sugan Koonfurta Gobolka Mudug halkaas oo Galmudug doonayso in gebi ahaanba laga saaro.

PUNTLAND POST

The post Mas’uuliyiin ka socda Galmudug oo booqday Ciidamada ku sugan degmada Wisil appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this