Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Macawisleey ee Gobolka Hiiraan oo saaka weerar qorshaysan ku qaaday Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Macawisleey ee Gobolka Hiiraan ayaa saaka weerar qorshaysan ku qaaday fariisimo Al-shabaab ku leeyihiin degaannada Baarrey iyo Dhoqor oo koonfur ka xiga magaalada Beledweyne.

Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Macawisleey iyo malayshiyaadka Al-shabaab ayaa halkaas ka dhacay sida laga soo xigtay goob-joogayaal kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Macawisleey ay dhammaan la wareegeen farisiimihii dagaallamayaasha Al-shabaab ku lahaayeen tuulooyinka Baarrey iyo Dhoqor ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Macawisleey ayaa la sheegay in ay burburiyeen doonyo nooca yar yar ah oo malayshiyaadka Al-shabaab ugu xirnaa jiinka webi Shabeelle islamarkaana ay hadda ku sugan yihiin goobihii lagu dagaallamay.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Macawisleey ee Gobolka Hiiraan oo saaka weerar qorshaysan ku qaaday Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this