Deeq A. Posted November 6, 2022 Wasiirada Wasaaradaha arrimaha gudaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo Koonfur Galbeed Mudane Abdullahi Haaji Hassan wefdi ay hogaaminayaan ayaa maanta gaarey Magaalada Xudur ee Xaruunta Gobolka Bakool. Wafdiga waxaa qeyb ka ah Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan dowlada Federaalka iyo Koonfur Galbeed Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Mudane Cabdifitaax Mahad Agaasimaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Koonfur Galbeed lataliyaasha Madaxweynaha Maamul Daadajinta,warfaafinta iyo masuuliyiin kale. Waxaana magaalada Xudur ay kaga qeybgali doonaan Munaasabadda Caleemasaarka maamulka cusub ee dhowaan Bulshada ay doorteen ee magaalada Xudur. PUNTLAND POST The post Wasiir Fiqi oo gaaray degmada Xudur ee Gobolka Bakool appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites