Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta laga saagootiyay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1667732031166.jpg?resize=720%2C57

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Maanta saagootiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Aaden Maxamed Nuur oo maalmaham safar shaqa ku joogay Puntland.

Munaasabadda sagootinta oo ka dhacday garoonka diyaaradaha Garoowe ayaa waxaa ka qayb galay Xildhibaanno ka tirsan Puntland & DFS, Xoghayaasha guud ee Baarlamaanada Puntland & Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Saraakiil kale.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland sidii wanaagsanayd ee loo soo dhaweeyey, loona maamuusay intii joogeen Garoowe.

PUNTLAND POST

The post Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta laga saagootiyay Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this