Deeq A. Posted November 6, 2022 Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Nasa Ige u magacaabay la-taliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Nasa Ige in uu noqdo Lataliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada”. “Madaxweynaha ayaa tilmaamay in mudane Nasa Ige uu aqoon iyo waayo aragnimo ku filan u leeyahay hannaanka faca weyn ee diblumaasiyadda dalkeenna, duruufaha ku xeeran iyo ahmiyadda xiriir caalamiga ah” ayaa la raaciyay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii la doortay magacaabayay la-taliyeyaal farabadan oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin caana. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay la-taliye cusub appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites