Sign in to follow this  
Deeq A.

Falastiin Oo Baaq Ku Aaddan Xadgudbyada Israa’iil U Dirtay Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxamuud Cabbaas, Madaxweynaha Falastiin, ayaa ugu baaqay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Anthony Blinken in uu ku cadaadiyo mas’uuliyiinta Israa’iil inay joojiyaan xadgudbyada ay ka geysanayaan dhulka Falastiin.

Madaxweyne Maxamuud Cabbaas oo teleefoon kula hadlayay Blinken wuxuu sheegay in maamulkiisa uu wado dadaallo uu ku dejinayo xiisadda ka taagan Daanta Galbeed.

Xoghaye Blinken ayaa dhankiisa walaac ka muujiyay colaadda ka taagan Daanta Galbeed xilli uu Khamistii teleefoon kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee xilka kasii degayo Yair Lapid isla markaana ugu baaqay dhinacyada inay joojiyaan dafaalka, sida laga soo xigtay afahayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Ciidamada Israa’iil ayaa sannadkan 100 qof oo Falastiiniyiin ah ku dilay Daanta Galbeed, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobey, waana dhimashadii ugu ba’neyd ee laga soo tebiyo Daanta Galbeed tan iyo sannadkii 2005-tii.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this