Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif, Oo Beeniyay Eedeymo Uga Yimid Imran Khan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa beeniyay eedeymaha uga yimid hogaamiyaha mucaaradka ahna Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Imran Khan oo ku eedeeyay in uu ku lug lahaa shirqool lagu dili lahaa.

Ra’iisul wasaare Sharif ayaa ka codsaday maxkamada sare in ay baadhitaan ku sameyso Imran Khan sheegashada uu sameeyay.

Hoggaamiyaha mucaaradka Imran Khan oo khamiistii ka qayb-galayay dibad-baxyo ka socda dalkaas ayaa nin hubaysan isku dayay in uu toogasho ku dilo, balse lug ayuu ka dhaawacay.

Waxaa maalintii labaad guud ahaan Pakistan ka socda isu soo baxyo ay wadeen taageerayaasha Imran Khan oo looga horjeedo dowladda Pakistan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this