General Duke Posted December 14, 2007 Caamir Muusa oo kulan la qaatay wasiirka arimaha dibadda Somaliya Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 13-Desember-2007 Wasiirka arimaa dibadda dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo xog hayaha guud ee Jaamacadda ayaa isla gorfeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Somaaliya . Xuseen Cali Bile iyo Caamir Muusa ayaa isla jeex jeexay muhiimada ay leedahay ka mira dhalinta dadaalada dib u hishiisiinta Qaran ee ay waddo dowlada KMG ah ee Soomaalya . Wasirka arimaha dowlada KMG ah oo saxafiyiinta kula hadlaya magaalada Qaahira waxa uuna sheegay in Caamir Muusa ay ku dheeraadeen xoojinta dadaalada socda ee ku aadan nabad ku soo dabaalida Soomaliya . Arimaha amaanka , siyaasada iyo dhaqalaaha ayaa qeyb ka ahaa wax yaabihii ay wada gor feeyeen wasiirka arimaha duibada Soomaalya Xuseen Cali Bile iyo Mr.Muusa . Caamir Muusa ayaa carabka ku adkeeyay in arimaha ay ka wada hadleen ee ku aadan taageerida Soomaalya dhinac walba ay ka saacidiyaan Soomaaliya . Xog hayaha guud ee Jaamacada Carabta Camir Musa ayaa ugu baaqay dalaka ku jira Ururka Jaamacadda Carabta in is garab taagaan Soomaaliya ayna gacan siyaan dowlada KMG ah ee Soomaaliya . Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa xaaladda amaan ee Soomaaliya ku tilmaamay mid degan isaga oo beeniyay in Somaaliya xasilooni daro baahsan ay ka jirto . Xigasho: http://www.kuna.net.kw/ Maryama Xuseen Axmed seymuun@hotmail.com Xafiiska Wararka Calanka Ee Muqdisho Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 14, 2007 Qaahira: Wasiirka Qorsheynta ee DFKMGS iyo Caamir Muusaa oo Kulmay. 13. december 2007 Qaahira(AllPuntland)- Wafdi heer sare ah oo ka socda dowlada Faderaalka ee Soomaaliya uuna hogaaminayo wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa la kulmay Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Muusa. Shirkaan ayaa ka dhacay Xarunta Jaamacada Carabta ee Magaalada Qaahira ee Xarunta Masar ,ayagoo laga wada hadlay xaaladaha dalka Soomaaliya iyo xiriirka dowlada Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta. Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya ayaa usheegay Saxaafada in ay dalka Soomaaliya hada ka jirto nabadgalyo baahsan ,isla markaana ay buunbuuniyeen arimaha ka socda Magaalada Muqdisho ,isagoo been iyo Riwaayad raqiis ah ku tilmaamay nabadgalyo daro ka jirta Magaalada Xamar. Wuxuu sheegay Xuseen Ceelaabe Faahiye in ay dagaalada Muqdisho ka dhacaya ay geysanayaan Kooxaha ka soo horjeeda nabadgalyada iyo nidaamka Soomaaliya ,ayna dowlada Soomaaliya talaabo ka qaadeyso. Xuseen Ceelaabe Faahiye wuxuu dhaliilay doorka ay Jaamacadda Carabtu ka ciyaartey arimaha dalka Soomaaliya ,isagoo sheegay in ay looga baahan yahay Jaamacadda Carabta in ay kaalinteeda arimaha Soomaaliya qaadto oo ay hore uga gaabisay. Wafdigan ka socda dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda tagaya Wadamo kale oo carbeed oo ay kala hadlayaan arimaha Soomaaliya ,waxa ayna wararku sheegayaan in wafuudan ay tagayaan Magaalooyin ka mid ah dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Baydhabo. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites