Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: Teachers angry demo at no pay + demo's against Riyaale

Recommended Posts

Macalimiin Mushahar La’aan Ka Cabanaya Oo Isugu Soo Baxay Wasaaradda Waxbarashada Horteeda

March 19th, 2009

 

Hargaysa (Somaliland.org)- Qaar ka mid ah macalimiinta ka hawl gala dugsiyada hoose dhexe ee dawladda ayaa maanta isu soo bax cabasho ah la hor tagay xarunta Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ee Hargaysa, iyaga oo sheegay in aanay muddo saddex bilood ah qaadan wax mushahar ah.

 

Macalimiintan oo aanu maanta kula kulanay xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee magaalada Hargaysa ayaa aad uga cawday wasaaradda waxbarashada iyo masuuliyiinta xukuumadda, waxaanay sheegeen in saddexdii bilood ee u dambeeyay aanay qaadan wax mushahar ah.

 

Macalimiintani waxa kale oo ay sheegeen in lacagta yar ee gunnada ah ee ay bixiyaan waalidiinta ardayda wax ka barta dugsiyada dawladda ay wasaaradda waxbarashada iyo maamulayaasha dugsiyadu ay inta badan kala qayb sadaan, macalimiintana la siiyo wax yar oo faro guud kood ah. Isla markaana aanay mushahaarada dawladda si toos ah u helin macalimiintu.

 

Macalimiintan oo isugu jiray kuwa wax ka dhiga dugsiyada hoose dhexe iyo dugsiyada sare waxay aad uga dayriyeen xaalada ay ku sugan yihiin macalimiintu, waxaanay ku taliyeen in si degdeg ah wax looga qabto xaaladaasi.

 

Cabashada macalimiinta ayaa ku soo beegantay wakhti wasiirka wasaaradda waxbarashadu uu labadii bilood ee u dambeeyey ku hawlanaa shir beeleedyo lagu kharash gareeyay malaayiin lacagtii ummadda ah.

 

Axmed Maxamed Saleebaan (Dhugfe)

E-mail: afqarshe114@hotmail.com

Somaliland.org, Hargaysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudaharaad Lagaga Soo Hor-jeedo Shir Beeleed Uu Soo Abaabulay Madaxwayne Ku Xigeenku Oo Ka Dhacay Degmada Sheekh

March 19th, 2009

 

Sheekh (Somaliland.org)- Waxaa maalmihii u dambeeyay si wayn loo hadal hayay shir beeleed Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyo xubno wasiiro ah oo xukuumadda ka tirsani ay qabanqaabinayeen, kaas oo la filayay in uu maanta ka furmo degmada Sheekh.

Hase yeeshee, wararka aanu maanta ka helnay degmada Sheekh ayaa sheegaya in shirkaasi isu bedelay xaflad kooban oo Madaxwayne ku xigeenku u qabtay taageerayaal xisbiga UDUB ah, oo ka kala yimi magaalooyinka Burco, Berbera iyo Hargaysa, kaasoo lagu wareejiyay ciidamo koofiyad cas ah oo aad u tiro badan, waxaana habeenkii xalay iyo subaxnimadii hore ee saaka goobta shirkaasi ka dhacay ku sugnaa ciidamada miino baadhista, oo goobtaasi baadhis ku sameeyay kana baadhay miinooyin iyo waxyaabaha kale ee qarxa..

 

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo hor-kacaya 7 wasiir oo ka tirsan xukuumadda Madaxwayne Riyaale kana soo jeeda gobolka Saaxil ayaa saaka gaadhay degmada Sheekh, halkaasi oo la filayay in uu ka furo shir beeleed uu dhawaan ku baaqay, abaabulkiisuna uu muddo ka socday gobolka Saaxil.

 

Baashe Cabdillaahi Yaasiin oo ka mid ah dadwaynaha ku dhaqan degmada Sheekh oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa noo sheegay in dadwayne ka soo hor jeeda shirka Madaxwayne ku xigeenka ay iyaguna ku dhaqaaqeen isu soo bax ay ku muujiyeen taageerada ay u hayaan xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, iyaga oo sita calanka xisbiga KULMIYE iyo boodhadh ay ku qoran yihiin halku dhigyo ay ku muujinayaan taageeradooda, kuwaasi oo markii dambe isugu tagay xarunta xisbiga KULMIYE ee Degmada Sheekh.

 

Dadwaynahaasi isu soo baxa sameeyay ayaa waxa xarunta xisbiga KULMIYE hortiisa hadalo uga jeediyay Guddoomiyaha degmada Sheekh ee xisbiga KULMIYE iyo odayaasha ugu waawayn degmada Sheekh oo ay ka mid ahaayeen Cheef Caaqil Aadan Yuusuf Xuseen, Cheef Caaqil Axmed Maxamed Ilbir.

 

Axmed Maxamed Saleebaan (Dhugfe)

E-mail: afqarshe114@hotmail.com

Somaliland.org, Hargaysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this