Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqaalaha Shirkadda Twitter oo barkood shaqada laga saarayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkadda Twitterka ayaa si ku meel gaar ah u xirtay xafiisyadeeda maalintii Jimcihii, waxaana shaqaalaha loo sheegay in ay heli doonaan farriin email ah oo loogu kala sheegayo inay shaqada sii wadan doonaan ama in shaqada laga saari doono.

Tallaabadan ayaa daba socota,ka dib markii uu dhowaan shirkadda Twitter-ka iibsaday muulkiilaha cusub ee Elon Musk, iyada oo ay hubanti la’aan badani soo foodsaartay, mustaqbalka shaqaalaha shirkadda.

Maamulka cusub ee shirkadda Twitter iibsaday ayaa haatan bilaabay in ay kala hufaan shaqaalaha shirkadda ee gaaraya 7,500 oo shaqaale ah. Elon Musk oo ah qofka ugu taajirsan adduunka ayaa qorshaynaya in uu shaqada ka saaro  illaa 3,700 qof oo ah kala bar shaqaalaha Shirkadda.

Shaqaalaha shirkadda ayaa bilaabay inay isticmaalaan hashtag ay ku muujinayaan dareenkooda, kaas oo ay cinwaan uga dhigeen #OneTeam, fariimaha shaqaalaha waxaa ka jawaabay madaxa amniga iyo hufnaanka ee shirkadda Yoel Roth, isaga oo sheegay inuu furan yahay sanduuqiisa gaarka ah ee fariimaha sida tooska ah loogu diri karo.

PUNTLAND POST

The post Shaqaalaha Shirkadda Twitter oo barkood shaqada laga saarayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this