Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo boqday Xarunta Baarlamanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1667652818394.jpg?resize=720%2C48

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta Aqalka Wakiillada ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madooobe) iyo wefti uu hogaaminayo oo maalmahan ku sugan Puntland.

Munaasabada soo dhaweynta waxaa ka qayb-galay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Golaha Shacabka BFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Xildhibaanno ka kala tirsan DFS & Puntland.

Madaxda ayaa kormeeray Xafiisyada kala duwan ee Aqalka Wakiillada Puntland oo uu ku jiro Hoolka weyn ee Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka DFS ayaa ku bogaadiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland shaqada muuqata oo ku soo kordhiyey Aqalka Wakiillada oo ay ku jiraan xafiisyo cusub oo loogu talagalay Guddiyada Golaha & Howl-wadeenada, si loo fududeeyo, loona casriyeeyo shaqada Baarlamaanka Puntland.

Ugu dambeyn, Madaxda Goleyaasha DFS & Puntland ayaa yeeshay shir gaar oo ay uga arinsanayaan sii xoojinta wada shaqeynta labada dhinac.

PUNTLAND POST

The post Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo boqday Xarunta Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this