Cowke Posted October 1, 2009 Waxaa Maanlintii shalayto Magaalada Buuhoodle ee Xarunta gobolka Cayn ka anba baxay Wafti Balaadhan oo Hogaaminaya Gudoomiyaha gobolka Cayn Xariir Maxamuud Axmed oo ay kmaid yihiin Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo madax ka Socota Wasaarada Maaliyada ee puntland gaar ahaan Xafiis Wasaarada Maaliyada ee gobolka Cayn Ujeeda Safarkaasi ayaa Gudoomiyaha iyo Waftigiisu ku tagaan tuulada Sool Joogto Waxaana safarkaasi ku Wajahnaa Sidii looga hirgalilahaa tuulada iyo Deegaanada hoos yimaada gobolka Caynba dhaqaajinta Cashuuraha iyo Balaadhinta Cashuuraha. Waxaana Maamulka gobolka Cayn iyo Saraakiishii kale ee Waftiga la Socotay ay tuulada Soo joogto la dhigay Ciidamo ka tirsan booliska gobolka Cayn iyo Saraakiil ka tirsan Wasaarada Maaliyada oo loogu talagay inay Qaadaan Cashuuraha kana Qaadaan Gaadiidka halkaasi maraya Gudoomiyaha gobolka Cayn iyo Waftigiisa ayaa la shiray dhamaan Cuqaasha iyo Laamaha kala duwan ee Tuulada Sool Joogto Waxayna kala hadleen Sidii ay ula shaqayn lahaayeen Ciidanka iyo shaqaalaha wasaarasda Maaliyada ee gobolka Cayn Waxaana uu Gudoomiyihu sheegay hadii DHaqaalo ka Soo baxo tuulada in laga kaalmaydoono tuulada iyo deegaankaba Waxaana halkaasi ka hadlay Qaarmaid ah Cuqasha deegaanka Sool Joogto oo Balan Qaaday inay la shaqaynayaa Ciidanka iyo shaqaalaha wasaarada Maaliyada ee gobolka Cayn Xiligii horen ay la Shaqayn jireen Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyad ee gobolka Cayn C/qaadi maxamed hiirad ayaa balan ku Qaaaday inay ka Wasaarad ahaan la shaqaynayaan Waxgarda Sool Joogto loogana baahan yahay inay Cashuurta Soo Saaraan lana shaqeeyaan Ciidamada iyo shaqaalaha Wasaarada Maaliyada Sidoo kale Waxaan isna halkaasi ka hadlay Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Cayn Maxamed Maxamuud Culujoog oo kulan dardaarmay Ciidamada Booliska ee Sool joogto la dhigay inay si Wanaagsan ula shaqeeyaan dadka deegaanka loogana baahan yahay inay adkeeyaan dhinacooda nabad galiyada oo Boolisku Xilka saaran yahay Guud ahaanba Waxaa gobolka Cayn ka Bilaabay Barmaajin lagu balaadhinayo Cashuuraha gobolka Cayn Waxaana ka Socda gobolka Shir balaadhan oo ay Wadaan madaxda gobolka oo la Doonayo in Cashuurta gobolka lagu Dhaqaajiyo Waxna loogu Soo saaro gobolka Copyright © 2009 Allidamaale.com Quote Share this post Link to post Share on other sites