Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Garoowe ku kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1667557942448.jpg?resize=720%2C48

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoyga uu ka degan yahay magalada Garoowe ku soo dhaweeyay Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka DPL iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda DPL ayaa Guddoomiyaha ugu yimid salaan iyo kala warqaadasho, iyagoo Guddoomiyaha uga warbixiyay xaalada guud ee deegaannada Puntaland iyo abaaraha ka jira dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa boggaadiyay horumarada iyo isku tashiga ay sameeyeen dadka reer Puntland isagoo sheegay in Dowladda Federaalka ay garab taagan tahay cidka kasta oo sameeysa horumaro.

PUNTLAND POST

The post Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Garoowe ku kulmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this