Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo sheegtay in Al-Shabaab laga dilay 200 oo dagaalyahan kadib weerar cirka iyo dhulka ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa weerar qorsheysan ku qaaday degaanka Ceel-hareeri oo ku yaalla xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka oo ay si wadajir ah u qaadeen ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ayaa socday muddo saacado ah, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska ee Danab G/le Axmed Cabdulaahi Beeryare ayaa warbaahinta ciidamada qalabka sida u sheegay in dagaalka ay barbar socdeen duqeymo dhinaca cirka ah, isla markaana lagu dilay 200 oo xubnood.

Wuxuu sheegay in Ciidanka DANAB oo kaashanaya dadka degaanka ay howlgalka siwadajir u fuliyeen, isla markaana degaano dhowr ah oo u dhow degaanka Ceel-hareeri ay Ciidamada la wareegeen.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay bur buriyeen saldhigyo ay gobolka Hiiraan kaga sugnaayeen ayna sii wadi doonaan howlgallada ilaa iyo inta Al-Shabaab laga saaratyo guud ahaan ďalka Soomaaliya.

Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa waxaa ka qarxay kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana deegaanadaas kooxda looga dilay dagaalayahano badan waxaana sidoo kale laga qabsaday deegaano badan oo ay gacanta ku heysay sanado badan.

The post DF oo sheegtay in Al-Shabaab laga dilay 200 oo dagaalyahan kadib weerar cirka iyo dhulka ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this