Sign in to follow this  
Deeq A.

Benjamin Netanyahu oo mar labaad noqday Ra’iisul wasaaraha Israel

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Israel Benjamin Netanyahu ayaa helay codad ku filan oo uu ku soo dhisi karo xukuumad, ka dib doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday dalkaas.

Ra’iisal wasaaraha haatan xilka haya ee Yair Lapid ayaa ku dhawaaqay in laga guulaystay.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay in Lapid uu hambalyeeyey ra’iisal wasaare Netanyahu, isaga oo shaqaalaha xafiiskiisana faray inay diyaariyaan xil wareejinta.

Netanyahu ayaa la filayaa inuu hoggaamiyo xukuumaddii dhinaca midig u janjeedhay ee ugu ad-adkayd taariikhda Israel.

PUNTLAND POST

The post Benjamin Netanyahu oo mar labaad noqday Ra’iisul wasaaraha Israel appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this