Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in ay caddayn buuxda u hayso wada-shaqaynta Somaliland iyo Argagixisada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1667548624506.jpg?resize=720%2C48

Jananka ugu sarreeya Ciidamada difaaca Puntland ayaa Khamiistii shaaciyay in ay Somaliland maal-geliso kooxaha Argagixisada ah.

Taliyaha guud ee Ciidamada difaaca Puntland S/Gaas Abshir London ayaa sheegay in Somaliland ay hoy u tahay garab-siinta iyo  kala gudbinta Argagixisada Soomaaliya.

S/Gaas Abshir London ayaa sidoo kale tilmaamay in Somaliland ay dhaqaale ku maal-geliso Argagixisada islamarkaana caddayn loo hayo arrintaas.

“Somaliland waxay ku caan-baxday hoyga magan-gelinta Argagixisada. Somaliland ayaa Argagixisada kala gudbisa dhaqaalana ku bixisa waxaan u haynaa caddaymo buuxa” ayuu yiri Gen. Abshir London.

Hadalkaas ayuu ka jeediyay duleedka degmada Boocame ee Gobolka Sool isaga oo la hadlayay ciidamo u dhashay degaankaas oo Puntland qaramaysay.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo sheegtay in ay caddayn buuxda u hayso wada-shaqaynta Somaliland iyo Argagixisada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this