Deeq A. Posted November 3, 2022 Wararka naga soo gaarayo gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda oo kaa shanaya dadka deegaanka iyo ururka Al-shabaab uu ka socdo inta u dhaxeysa Tardo iyo Moqokori. Dagaalka ayaa la soo warinaya in ciidamada ay ku baxeen xubna ka tirsan ururka alshabaab kuwaas oo la sheegay in ay isku aruursanayeen deegaan lagu magacaabo Ceelhareeri . Ma cadda illa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka socda gobalka Hiiraan, balse wararka ayaa sheegaya in ay jiraan khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka. Weli saraakiisha hawlgalka hoggaaminaysa kama aysan hadlin dagaalka, waxaana ciidamada ay sheegeen uu weli socdo hawlgalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites