Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo wada qorshe ku jihaysan difaaca Gobollada SSC

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar kamid ah xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa wada abaabul xooggan oo ku jihaysan arrima difaaca Gobollada SSC.

Wararku waxay sheegayaan in xildhibaannada abaabulka wada ay riixayaan in Baarlamanka Puntland ay qaraar adag ka soo saaraan xaaladda Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Xildhibaannada ayaa si gaar ah xoogga u saaray xaaladda Gobolka Sool oo degmadii u danbaysay ay dhowaan la wareegtay Somaliland.

Baarlamanka Puntland oo hadda fasax kooban ku maqan ayaa lagu wadaa in uu dib isu-gu soo laabto Isniinta soo socota.

The post Baarlamanka Puntland oo wada qorshe ku jihaysan difaaca Gobollada SSC appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this