Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ka tirsan dowladda oo eryey shaqaalihii uu ugu tegay wasaaradda qaarkood

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda ganacsiga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta soo dhejisay warqad ay shaqada uga cayrisay shaqaalihii wasaaradda ugu shaqey jiray xuquuq la’aanta.

Warqadaan oo lagu dhejiyey derbiga wasaaradda ganacsiga waxay ka soo baxday xafiiska wasiirka ganacsiga Jabriil Cabdirashiid Xaaji, wuxuuna ku amray ciidamada ilaaliya amniga wasaaradda in shaqaalahaasi aysan soo geli karin gudaha wasaaradda.

Shaqaalahaan ayaa ah kuwii mushaarka ama gunada aan ka qaada jirin wasaaradda, sida ku cad warqadda uu soo saaray wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda Soomaaliya.

“Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha waxay ku wargelineysaa dhamaan shaqaalaha ku meel gaarka ah ee aan wax gunno ah ka qaadan wasaaradda in laga bilaabo 1-da bishaan la kala diray, oo aysan soo xaadiri karin wasaaradda ganacsiga, kana tirsaneyn shaqaalaha wasaaradda,” ayaa lagu yiri warqadda.

Wasiirka Jabriil ayaa ciidanka amniga faray in shaqaalahaas aysan wasaaradda soo geli karin, isla markaana ay deg deg u fuliyaan go’aanka uu ka gaaray shaqaalihii xuquuq la’aanta ku ahaa wasaaradda ganacsiga Soomaaliya.

Tallaabadaan ayaa fadeexad weyn ku ah dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxda cusub ee dowladda oo ku soo ololeeyey inay shaqo abuur u sameynayaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale tallaabadaan waxay niyad jab ku abuureysaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aanta ah, isla markaana u hanqal taageysay inay dowladu shaqaaleysiiso.

Hoos ka eeg warqadii uu shaqaalaha ku ruqseeyey wasiir Jabriil

2b4fedf1-f4a2-4c50-85a3-e568094218e9.jpg

The post Wasiir ka tirsan dowladda oo eryey shaqaalihii uu ugu tegay wasaaradda qaarkood appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this