Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Laba nin oo lagu helay Shabaabnimo oo toogasho lagu fuliyay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1667451752782.jpg?resize=720%2C48

Cabdulle Axmed Muudey iyo Cumar Aadan Maxamed oo hore loogu helay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa saaka lagu toogtay Muqdisho.

Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in labada nin lagu helay dilal ay u geysteen laba askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Cabdulle Axmed ayaa lagu helay in uu dilay Cali Cabdulle Maxamed oo ka tirsanaa ciidamada amniga bishii November 2019.

Cumar Aadan Maxamed ayaa isna sidoo kale lagu helay in uu dilay Cabdullaahi Maxamed Hilowle bishii Oktoobar 2019.

PUNTLAND POST

The post Muqdisho: Laba nin oo lagu helay Shabaabnimo oo toogasho lagu fuliyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this