Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii hore ee Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland oo ku geeriyooday Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20221103_090114613.png?resize=720

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo ku hadlaya magaciisa, kan Goleyaasha dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timi Alle Ha u naxariistee Guddomiyihii hore ee Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland Gen.Siciid Abyan Cigaal “Saalax Liif” oo ku geeriyooday Garoowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa geerida marxuumka  uga tacsiyeeyey qoyskiisii, ehelada, asxaabta, Ciidmada qalabka sida iyo guud ahaan shacabka reer Puntland.

AHUN Gen. Siciid Abyan Cigaal, ayaa ahaa sarkaal waxbadan usoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, wuxuu xilal kala duwan oo xagga Ciidamada ah kasoo qabtay Soomaaliya iyo burburkii kadib oo uu Puntland  doorweyn kulaha yagleelka garsoorka Ciidamada.

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland, ayaa Alle Subxaanahu Watacaalaa uga baryey inuu Janatul Fardowsao ka waraabiyo marxuumka, eheladii iyo saaxiibadiina uu samir iyo Iimaan kasiiyo, Aamiin.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyihii hore ee Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland oo ku geeriyooday Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this