Deeq A. Posted November 3, 2022 Afriki waa meesha qudha ee kuwa hagrada loogu hiiliyo, Danta guud waxa horumarin kara, qof fahamsan in horumarka tiisu qayb ka yahay horumarka guud oo hagaaga, dunida saddexaad waxa habsaamiyay masuuliyiin maqluubka u shaqaynaya kuwaas oo xillalka danta guud u fahmay meel xoolo laga tabco. Guri cad, gaadhi cad iyo gabadh cad ayaa loo ordayaa, waxa adag in la helo qof intaa ka koran, qof ay damqayso dayaca, daalka, diihaalka yo duruufaha adag ee dadkiisu deriska kula yihiin nolosha, kuwa tirada yar ee isku daya halganka in la saxo waa laga xan qarsadaa, waxa abuurmo kooxo riyada nolosha run mooda kuwaas oo ku mama ka macaashka danaha guud, waa arxan laawayaal aan jiidh damqadaa ku ool. Nin abaar ku geediya Haddaad oolin kari waydo Iska aamus baa kaaga roon Waxaad ogayd sheeg. Bani’aadamku hadduu waayo xeer qabta ama akhlaaqdiisu dabri waydo, waa run oo wuu beloobaa Haddaan diini kaa celin Sharci kaa dabbaalayn Dabar kaa xejaa jirin Dadku waa belaayee Afriki waa meesha qudha ee kuwa hagrada loogu hiiliyo, Alloow gurmadkaaga, amiin Waxa qoray, Abdirashid Belel Qaran News Share this post Link to post Share on other sites