Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag Hubeysan Oo Weerar Ka Geystay Gobolka Sanaag + Khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qorsheysan oo markale xalay ka dhacay deegaanka Mixlo oo ku yaalla gobolka Sanaag.

Weerarkan oo sababay khasaare kala duwan oo iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay fuliyeen rag hubeysan oo afka soo duubtay.

Wararka ayaa sheegaya in dableyda hubeysan oo goobta iskaga baxsatay ay rasaas ku furtay dad shacab ah oo ku caweynayey mehrad ganacsi oo ku taalla halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay hal qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka.

Illaa iyo hadda ma cadda heybta dableyda weerarkan fulisay iyo waxa ay salka ku heyso dhacdadaan sababtay dhimashada iyo dhaawaca.

Si kastaba, dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale weeraro sababay dhimasho iyo dhaawac waxayan uga dhaceen Milxo, kuwaasi oo midkood uu ahaa qarax xoogan, walow ninkii farsameeyey qaraxaa soo baxsad ahaa ciidanka Puntland ay ku qabateen Boosaaso.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this