Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo soo saaray digniin ku saabsan weeraro ka dhici kara MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Onlkine) – Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa soo saartay diginin amni oo la xiriirta weeraro iyo qaraxyo ka dhici kara magaalada caasimadda ah.

“Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho waxay weli si dhow ula socotaa xaaladda amni ee magaalada Muqdisho oo uu ku jiro garoonka Aadan Cadde. Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa soo saartay xayiraad dhanka socdaalka oo mustaqbalka dhow ah oo lagu soo rogay shaqaalaha dowladda Mareykanka ee ku sugan Muqdisho, oo ay ku jiraan bannaanka xarumaha caalamiga ah iyo xarunta Qaramada Midoobay,” ayaa lagu yiri digniinta oo lasoo dhigay website-ka safaaradda.

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay inay dadweynaha dib u xusuusineyso talooyinka safarka ee Soomaaliya, kuwaas oo sheegaya in argagixisada ay weli qorsheynayaan afduubyo, qaraxyo iyo weeraro kale oo ka dhaca Soomaaliya.

“Weerarada waxaa laga yaabaa inay dhacaan ayada oo ay jirto digniin yar ama digniin la’aan, iyadoo lala beegsanayo garoomada diyaaradaha iyo dekedaha, xarumaha dowladda, hoteellada, maqaayadaha, goobaha laga dukaameysto, iyo meelaha kale ee soo jiita dadka badan ama ay ku badan yihiin Reer Galbeedka ah, iyo sidoo kale kolonyada ciidamada dowladda, iyo kuwa Reer Galbeedka,” ayaa lagu yiri digniinta.

“Hababka weerarka waxa ka mid noqon kara qaraxyo baabuur, is-miidaamiyeyaal, shakhsiyaad weeraro fuliya, hoobiyeyaal, iyo kuwo kale. Weerarada argagixisanimada waxaa ka mid ah isticmaalka aan la kala soocin ee walxaha qarxa iyo hubka kale, waxayna ka dhici karaan meel kasta oo Soomaaliya ka mid ah wakhti kasta digniin la’aan.”

Safaaradda Mareykanka ayaa ugu baaqday shacabka inay muujiyaan feejignaan marka ay tagayaan goobaha munaasabadaha, Masaajiddada iyo goobaha ay dadka badan isugu yimaadaan. 

The post Mareykanka oo soo saaray digniin ku saabsan weeraro ka dhici kara MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this