Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo maanta Nairobi u safray

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta u safray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu gelinka danbe ee Khamiista la kulmo Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Madaxweynaha oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa Muqdisho ayaa kulamo la yeeshay qaar kamid ah isimada Puntland iyo xubnaha Baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doorto Puntland.

Siciid Deni ayaa sidoo kale la kulmay qaar kamid ah 8-dii xildhibaan ee uu isagu abaabulay in laga saaro Baarlamanka Puntland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo maanta Nairobi u safray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this