Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: R/W Xamza oo isugu yeeray ganacsatada Xamar kadib qaraxyadii Zoobe 2

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay xubno ka socday Ganacsatada Soomaaliyeed oo uu kala hadlay kaallinta kaga aadan Gurmadka iyo taakuleynta dadkii ku wax yeeloobay qaraxyadii shacabka badan lagu xasuuqay ee Soobe 2.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen guddiga heerka wasiir ee xukuumadu ay u xilsaartay maareynta musiibadii ka dhalatay qaraxyadaas iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusf Madaale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka ganacsatadu ay ku leeyihiin samata-bixinta iyo midaynta kaalmaha dhaqaale ee lagu taakuleynayo dadka ay wax yeelladu ka soo gaartay qaraxyadii Soobe 2 ee Al-Shabaab ay Muqdisho ka fuliyeen 29-kii October.

“Ra’iisul Wasaare Xamse oo ganacsatada ugu mahad celiyey doorkooda muuqda, ayaa xusay in wadajir xoogga loo saaro sidii shacabka loogu gurman lahaa, dowladduna ay qaaday tallaabooyin wax ku ool ah, lana sii wadi doono howlaha gurmadka, shacabka Soomaaliyeedna looga baahan yahay in ay sii kordhiyaan gurmadka iyo dadaalka ay wadaan,” ayaa lagu yiri qoraal uu kulankaas ka soo saaray xafiiska R/Wasaaraha.

Kulankaan uu Xamse Barre la yeeshay ganacsatada Muqdisho ayaa ku soo aadaya iyadoo dowladdu ay laba jibaartay cadaadiska ay saareyso ganacsatada, si meesha looga saaro canshuurta ay siiyaan kooxda Al-Shabaab.

Ganacsatada Soomaaliyeed oo kooxda Al-Shabaab badda siiya ayaa weli hoos u dhigaya go’aankooda, mana jiro ganacsade shaaciyey inuu dhaqaalihii ka jartay kooxda.

Arrintaas waxaa loo sabaneynayaa guulaaha ay dowladdu ka gaareyso furimaha dagaalka oo yar iyo ganacsatada oo weli beylah u ah Al-Shabaab, maadaama aan dalka laga xoreyn, iyaguna aysan sameysan ilaalo ka difaacda kooxda.

Xamse-iyo-ganacsatada.jpg311881345_653448899483474_43546013984430 312061521_653448782816819_63796524053078 312151451_653448842816813_50075854954584 312325141_653448876150143_17505484456032 313032105_653448912816806_36839863473161 313868122_653448742816823_19535409531146 313927867_653448932816804_19054629387079 313968725_653448759483488_55677804053558 314022708_653448766150154_26597248452880 Daauud-Aweys.jpg  Faarax-Sheekh-Cabdulqaadie.jpg wasiirka-amniga-doodishe.jpg wasiirka-caafimaadka-Cali-Xaaji.jpg Xamsa-Barre-Xamze.jpgXamse-iyo-ganacsatada.jpg Xamse-iyo-ganacsatada.jpga_.jpg Yuusf-madaale.jpg

The post Sawirro: R/W Xamza oo isugu yeeray ganacsatada Xamar kadib qaraxyadii Zoobe 2 appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this