Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Muxuu salka ku hayaa ololeha Xaadoole ka dhanka ah ee uu wado Madaale?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu jiro khilaaf u dhaxeeyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo xildhibaan Cusmaan Xaadoole ayaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa saameynta khilaafkaas.  

Sida ay ogaatay Caasimada Online, duqa magaalada Muqdisho ayaa abaabulay 3 kulan oo lagu dhabar jibinayo qorshaha xildhibaan Cusmaan Xaadoole ee ah in talada beeshiisa isaga looga dambeeyo, waxa uuna guddoomiyaha gobalka Banaadir ka qeyb-galay casho sharaf xafiiskiisa laga abaabulay, islamarkaana isaga loo qabtay.  

Guddomiye Madaale iyo Xildhibaan Xaadoole ayaa ku dagaalay magacaabistii uu sameeyay madaxweynaha Soomaaliya maadaama xildhibaanku uu beeshiisa la rabay kursiga gobalka, inkastoo markii dambe uu ka qeybgalay xafladda xil-wareejinta. 

Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa qaabilay garabyo ka mid ah jufooyinka ku aftirsada kursiga HOP106 ee uu ku fadhiyo xildhibaan Xaadoole, waxaana la sheegay in dadka uu qaabilay ay dhamaantood mucaarad ku yihiin xildhibaanka. 

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa la sheegay in sidoo kale uu madaxweynaha Soomaaliya la kulansiiyay siyaasiyiin kasoo jeeda beesha xildhibaan Xaadoole, isagoo u sheegay in xildhibaanka beeshiisa khilaaf ka dhax jiro, islamarkaana sadka beeshiisa ay jufo jufo u bixiso dowladda Soomaaliya. 

Xildhibaan Cusmaan Xaadoole ayaa ku maqan degaanka Masaajid Cali Gaduud isagoo kamid ah madaxda hoggaamineysa howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, halka duqa Muqdisho uu xalay iyo habeen hore shirar siyaasadeed iyo xaflado soo dhaweyn ah kaga qeyb-galay Muqdisho xilli wali la daad gureynayo maydadka dadkii ku dhintay weeraradii Isgoyska Zoobe, isbitaalladana ay ka buuxaan dhaawacyo.

Ma cadda, haddii uu Madaale ku guuleysan doono in abaabulka beesha Xaadoole ay ka caawiso in laga dhaadhiciyo madaxweyne Xasan Sheekh inuu xilalka uu u qorsheeyey beeshaas la garab maro xildhibaanka.

The post Xog: Muxuu salka ku hayaa ololeha Xaadoole ka dhanka ah ee uu wado Madaale? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this