Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Maxamuud Shiddo iyo Asad Diyaano oo ka shiray mudda kororsiga Siciid Deni

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20221101_170222505-1.png?resize=8

Maxamuud Shiddo iyo Asad Diyaano oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradsan madaxweyne Siciid Deni ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya sida ay xaqiijinayaan xogo lagu kalsoon yahay.

Labada siyaasi ayaa kamid ah dadka sida weyn uga horjeeda in uu mudda kororsi samaysto madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo mudda xileedkiisu ku eg yahay 8 Jan 2024.

Inkastoo aysan jirin xog rasmi ah oo ka soo baxday kulanka Maxamuud Shiddo iyo Asad Diyaano haddana Warar hoose ayaa sheegaya in mucaaradka ku sugan Bari iyo Nugaal ay ka midaysan yihiin diidmada mudda kororsiga.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa isna saacadaha soo socda ku wajahan Nairobi waxaana xusid mudan in safarkiisa Nairobi aysan ku wehelin cid ka tirsan dowladda.

Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu sidoo kale u sii gudbo dhinaca magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta balse faahfaahin intaas ka badan lagama hayo safarkiisa.

PUNTLAND POST

The post Xog: Maxamuud Shiddo iyo Asad Diyaano oo ka shiray mudda kororsiga Siciid Deni appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this