Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan is cafin ah oo dhex maray Siciid Deni iyo Rag uu ka saaray Baarlamanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa Caawa Muqdisho kulan kula yeeshay islamarkaana ay is cafiyeen qaar kamid ah 8-dii xildhibaan ee laga saaray Baarlamanka Puntland 3 Dec 2020 kadib mooshinkii uu abaabulay Siciid Deni.

Kulanka Madaxweynaha iyo xildhibaannadii la eryay waxaa qaban-qaabiyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo Daareed sida ay wararku sheegayaan.

Cabdixakiin Dhoobo Daareed ayaa xilka Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland laga qaaday 7 November 2019 waxaana gebi ahaanba Baarlamanka laga saaray 10 December 2019 kadib mooshin uu gadaal ka riixayay Madaxweynaha.

Balse 10 May ee sannadkan 2022 ayay Muqdisho ku kulmeen Siciid Deni iyo Dhoobo Daareed waxaana markaas Deni oo Villa Somalia u sharraxnaa uu dalbaday in wixii dhacay xalay dhalay laga noqdo waana heshiiyeen.

PUNTLAND POST

The post Kulan is cafin ah oo dhex maray Siciid Deni iyo Rag uu ka saaray Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this