Sign in to follow this  
Deeq A.

Dabley hubaysan oo weerar ka geystay degaanka Milxo ee Gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan hal ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyooday saddex kalena waa ku dhaawacmeen weerar caawa ka dhacay degaanka Milxo ee Gobolka Sanaag.

Wararku waxay sheegayaan in dabley hubaysan oo afka duuban ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo fadhiyay meherad ku taalla gudaha Milxo.

Kooxdii weerarka fulisay oo aysan dadka degaanku aqoonsan maadaama ay afka duubteen ayaa goobta isaga cararay.

PUNTLAND POST

The post Dabley hubaysan oo weerar ka geystay degaanka Milxo ee Gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this