Sign in to follow this  
MoonLight1

Waa calaamadaha lagu yaqaan KHAWAARIJTA.

Recommended Posts

Al-Shabaab iyo Kenya oo ku kulmay xuduudda

 

Maamulka Al-Shabab ee Beled-xaawo ayaa kulan la qaatay maamulka Mandeera ee Kenya. kulankan oo ahaa kii ugu horeeyey ayaa looga hadlay arrimo kala duwan.

 

Waxa qoray Sahra Abdi Ahmed | Nairobi, Kenya Axad, 07 February 2010

 

Kulankan waxaa dhinaca Al-Shabaab uga qeybgalay Guddi gaar ah oo ay soo dirsadeen maamulka Beled-xaawo oo ay ku jiraan odoyaal dhaqameed iyo xubnaha ugu sareeya maamulka Beled-Xaawo, halka dhinaca dowladda Kenya ay ka qeybgaleen maamulka Degmada Mandheera iyo odoyaal dhaqameed ka soo jeeda degmadaasi.

 

Labada dhinac waxay gorfeeyeen qodobo uu dhinac walba u u arko inuu dhinaca kale ka tabanayo. Dhinaca maamulka Al-shabaab ayaa waxay soo bandhigeen qodobo ay ka mid ahaayeen:

 

In gudaha Kenya lagu tababaro ciidamo ka tirsan DKMG, taasoo Al-shabaab ay Kenya ka doonayaan inay joojiso,

 

In la joojiyo gabdhaha ciidamada Kenya ay indho-shareerka uga furayaan marka ay u soo gudbiyaan xuduudda dhinaca Kenya.

 

Dhinaca Kenya waxay soo bandhigeen qodobo ay ka mid ahaayeen:

 

In wax laga qabto kooxaha hubeysan ee dhinaca Beled-xaawo ka soo gudbaya ee dhaca ka geysanana Mandhere.

 

In dib loo soo celiyo calaamadihii xuduudda ee ay Al-shabaab hore u burburiyeen.

 

Ugu danbeyntii labada dhinac waxay arrintan u saareen guddi gaar ah oo isla soo eego, iyagoo todobaadkan gudihiisana la filayo in labada dhinac ay saxiixaan.

 

voasomali.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxay ilaa iyo hada diidanyihiin inay la fadhiistaan oo wada hadal la sameeyaan dad ay isku diin yihiin, isku af, isku dhaqan, isku famil, isku dal, isku muuqaal,isku doon saaranyihiin aka Shariif & co.

 

Waxay la fadhiisteen dowlad Kirishtaan ah, naga dhaqan duwan, naga dal duwan, naga masaalix duwan, naga af duwan.

 

Cajiib, taas miyaysan ahayn calaamadihii khawaarijta ee asxaabtii nabiga (CSW) dili jiray, gaaladana aamin yeeli jiray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this