MoonLight1 Posted February 8, 2010 Al-Shabaab iyo Kenya oo ku kulmay xuduudda Maamulka Al-Shabab ee Beled-xaawo ayaa kulan la qaatay maamulka Mandeera ee Kenya. kulankan oo ahaa kii ugu horeeyey ayaa looga hadlay arrimo kala duwan. Waxa qoray Sahra Abdi Ahmed | Nairobi, Kenya Axad, 07 February 2010 Kulankan waxaa dhinaca Al-Shabaab uga qeybgalay Guddi gaar ah oo ay soo dirsadeen maamulka Beled-xaawo oo ay ku jiraan odoyaal dhaqameed iyo xubnaha ugu sareeya maamulka Beled-Xaawo, halka dhinaca dowladda Kenya ay ka qeybgaleen maamulka Degmada Mandheera iyo odoyaal dhaqameed ka soo jeeda degmadaasi. Labada dhinac waxay gorfeeyeen qodobo uu dhinac walba u u arko inuu dhinaca kale ka tabanayo. Dhinaca maamulka Al-shabaab ayaa waxay soo bandhigeen qodobo ay ka mid ahaayeen: In gudaha Kenya lagu tababaro ciidamo ka tirsan DKMG, taasoo Al-shabaab ay Kenya ka doonayaan inay joojiso, In la joojiyo gabdhaha ciidamada Kenya ay indho-shareerka uga furayaan marka ay u soo gudbiyaan xuduudda dhinaca Kenya. Dhinaca Kenya waxay soo bandhigeen qodobo ay ka mid ahaayeen: In wax laga qabto kooxaha hubeysan ee dhinaca Beled-xaawo ka soo gudbaya ee dhaca ka geysanana Mandhere. In dib loo soo celiyo calaamadihii xuduudda ee ay Al-shabaab hore u burburiyeen. Ugu danbeyntii labada dhinac waxay arrintan u saareen guddi gaar ah oo isla soo eego, iyagoo todobaadkan gudihiisana la filayo in labada dhinac ay saxiixaan. voasomali.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted February 8, 2010 Waxay ilaa iyo hada diidanyihiin inay la fadhiistaan oo wada hadal la sameeyaan dad ay isku diin yihiin, isku af, isku dhaqan, isku famil, isku dal, isku muuqaal,isku doon saaranyihiin aka Shariif & co. Waxay la fadhiisteen dowlad Kirishtaan ah, naga dhaqan duwan, naga dal duwan, naga masaalix duwan, naga af duwan. Cajiib, taas miyaysan ahayn calaamadihii khawaarijta ee asxaabtii nabiga (CSW) dili jiray, gaaladana aamin yeeli jiray. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 8, 2010 Kenya denied the meeting ,,,,,,,,,,,,,,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites