Sign in to follow this  
Deeq A.

Bandhig Sawireed Ku Saabsan Hiddaha Soomaalida oo Lagu Qabanayo Maktabadda Milton Keynes

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20221101-WA0000.jpg?resize=1000%2C66Mid ka mid ah sawirrada uu qaaday David Tunnicliffe intuu Soomaaliya ku sugnaa.

London (Wararka PP) — Taariikhda Soomaaliya ma wada aha mid ku luntay burburkii dalka ka dhacay kaddib markii matxafyadii la bililiqaystay.

David Tunnicliffe, oo Soomaaliya joogay ahaana bare sawirqaadis ka hor 1991kii, ayaa u guntaday soo bandhigista sawirro dhaxalgal ah uu qaaday dhowr iyo afartan sano ka hor.

IMG-20221101-WA0001.jpg?resize=779%2C108

Wuxuu sawirrada ku soo bandhigi doonaa Maktabadda Dhexe ee Milton Keynes inta u dhexeysa 2da ilaa 30ka Nofeembar 2022. Golaha Deegaanka Milton Keynes ayaa taageeray bandhigga. Waa bandhiggii ugu horreeyay oo noociisa ah, fursad u siinaya carruurta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ku barbaartay England ama hanaqaadday burburkii kaddib inay arkaan muuqaallo muujinaya fac weynida taariikhda dalkooda hooyo.

Waalidiin badan ayaa qorsheynaya inay carruurta geeyaan bandhigga si ay u soo arkaan bandhigga. Bandhiggu wuxuu furnaan doonaa sagaalka subaxnimo ilaa lixda maqribnimo Isniin ilaa Jimce, iyo sagaalka subaxnimo ilaa shanta galabnimo Sabti kasta inta bandhiggu socdo.

© Puntland Post, 2022

The post Bandhig Sawireed Ku Saabsan Hiddaha Soomaalida oo Lagu Qabanayo Maktabadda Milton Keynes appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this