Jacaylbaro Posted September 8, 2009 “Waar ninyahow anigoo makhaayad kula sheekaysanaya mid aannu saaxiibbo nahay oo dhinca kale ah oo yera taataabanaya musuqmaasuqa wasaaradaha ka jira sow mid xoog weyn oon ogahay inuu wasaarada dhan keligii liqay afka ilama soo gelin, kaddibna laba askari oo meesha fadhiyey igumay soo kicin” “Haye” “Dabaeeto labada askari kii weynaa oon is idhi tu horuu ka hadhay baa igu soo haliilay oo la iga qaban kari waayey. Wuxu iila soo baxay qori, nin meesha joogay baa qabtay oo qasnaddii ka saaray, haddana bastoolad buu la soo baxay, haddana katiinad…, haddana waxa haw igu soo yidhi askarigii yaraa oon is idhi tii horuu gaadhayaa” “Adiga yaa musuqmaasuqa wasaaradaha ka sheekee ku yidhi ma wax kalood ka hadashaad weyday sowka waddanku wada musuqmaasuqa ah” “Dee miyey igu simeenba, sow maan doonayn inaan ka hadlo musuqmaasuqa hayadaha, ganacsatada iyo meel walba, ma anaa meelba ka tegayey” “Haaye maxaad ka wasaaradaha ugu bilowday, miyaad wax kale ku bilowdid?” “Anigu ma madaxdii qarankaan caayey mise kuwii aalaha maxay igu haystaan wax jira uun baan sheegee?” “Dee markaa maxaad yeeshay?” “Dee waan uga toosay” “Yaah!! Maxaad tidhi, waan uga toosay? Sidee ahaan?” “Dee hurdadii baan uga toosay oo halkii bay igaga hadheen, ma si kalay kaaga hadhayaan inaad uga toosto mooyee, miyaanan abaalkood ka waraabin?” “Oo miyaad hurudday?” “Haddaa miyaan soo jeeday? Haddaan soo jeedo miyaannu nimankanba isku iman lahayn” “Oo waxan aad ka sheekaynaysaaba ma riyaa?” “Haddaa hee… riyadii baa lagaga nabadgeli laayahee ma soo jeed baa lagaga nabad geli” “Sow markay soo toosaan ku soo raadsan maayaan” “soo jeedkaba waan u dayn, toosiba maayo” “Oo sow haddana markaa riyoon maysid?” “Seexanba maayo, waan iska soo jeedi” “Oo markaa miyaad aamusi afkaa lagaa falee” “Haa oo weligay soojeed dawlad kuma xaman, shicibka uun baan soojeedka ku xantaa, waan is ilaaliyaa markaan soo jeedo laakiin markaan seexdo isma ilaalin karo intaasay iyana ka faa’iidaysanayaan oo hurdaday ila eeganayaan” “Oo maxay kugu haystaan haddaad huruddo, mindhaa inaad soo jeeday moodayeen?” “Dib dambeba u seexan maayo intay wax isbeddelayaan” “ Siday wax isu beddelayaan” “Kollay ammaan la heli maayee intay imanayaan kuwo soo jeedka dadka ku qabsanaya oon hurdada ku qabsanayn” “Oo sow markaana lagu xidhi maayo?” “Sowtaan ku idhi soojeedka wax kuma xanto” “Dee qaar kaloo soo jeedka wax ku xantaba sow la qabsan maayo illayn dadku keligaa maahee” “Waa runtaa.. oo haddaa maxaan yeelnaa?.” “Dee kuwan riyada wax ku qabsanaya maxaad ku haysataa sow kama darna kuwa soo jeedka wax ku qabsanayaa, markaa miyaanay ahayn in kuwan riyada kugu qabsanaya la iska daayo ha joogaane” “Maya..maya..maya…ma rkaa cidiba seexan maysee, dadka ma hurdo la’aan baad ku dilaysaa” “Dee haddaa kuwa soojeedka ku qabsanaya ma keennaa?” Maya..maya..maya, sow markaana dadku wada seexan maayo, cidiba toosi maysee yaa dalka u shaqayn?” “Dee haddaa meeshaba aynu qabsanno illayn innagu soojeed iyo riyo cidna wax ku qabsan maynee” “Ma sidaasaa?” “Ma si kalaa jirta” “Waa talo wanaagsan” Xasan C. Madar Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted September 8, 2009 loool...JB tani ma waxay na tusaalaynaysaa in mucaaradnimadu fiican tahay intaad hurudid...sababtoo ah cidna wax ku yeeli meyso...afkaaaga iyo addinkaagana waad ku ciil beeleysaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 8, 2009 mayee waxay ina tusaysaa marka dhinac loo dhaqaaqo la waayo ,,,, ee saani laguu daba dhigto ,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted September 8, 2009 Wale wa mucjiso hade dadka loo diidey soojeed iyo seexashaba Quote Share this post Link to post Share on other sites
SayidSomal Posted September 8, 2009 “Haddaa hee… riyadii baa lagaga nabadgeli laayahee ma soo jeed baa lagaga nabad geli” Riyaale riyadii buu ugu dhacay dadkii bela ka dhacday meeshi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 8, 2009 “Dee miyey igu simeenba, sow maan doonayn inaan ka hadlo musuqmaasuqa hayadaha, ganacsatada iyo meel walba, ma anaa meelba ka tegayey” “Haaye maxaad ka wasaaradaha ugu bilowday, miyaad wax kale ku bilowdid?” ,, this is my favorate ,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites