Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqa magaalada Muqdisho oo warbixin loo gudbiyey kadib qaraxyadii ZOOBE

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta kulan la yeeshay guddiga gurmadka deg-degga ee gobolka Banaadir kadib booqasho uu ku tegay xarunta guddigaas.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay xubnaha guddiga oo uga warbixiyey howlaha u qabsoomay iyo inta hortabinta u leh ee weli dadaalladooda socda.

Intaas kadib guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku amaanay xubnaha guddiga kaalinta adag ee ay ka qaateen gurmadka loo fidinayo dadkii waxyeelada kasoo gaaray qaraxyadii Sabtidii lasoo dhaafay ka dhacay agagaarka Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay in sii laba jibaaraan u gurmashada dadka dhaawacyada qaba ee ku jira isbitaallada ku yaalla caasimada, si gaar ahna looga warqabo.

Ugu dambeyn guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa uga mahad-celiyey shacabka Muqdisho kaalinta ay ka qaadanayaan gurmadka socdo, isaga oo xusay in isku tashiga iyo is-gargaarida ay tahay mid looga bartay Soomaalida, halkaasina ay kasii wadaan howsha.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa saameynta ka dhalatay qaraxyadii 29-kii bishii hore ee October ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta wasaarada waxbarashada ee agagaarka Zoobe kaas oo sababay khasaare xoogan.

312492262_503044508539512_51128592407048 313399100_503044468539516_18693393819468 313431118_503044085206221_62934616812902 Madaale.jpg 313890873_503044281872868_77541609838636 cALI-yARE.jpg313890873_503044281872868_77541609838636 313431118_503044085206221_62934616812902 313399100_503044468539516_18693393819468 312492262_503044508539512_51128592407048 Madaale.jpg cALI-yARE.jpg

The post Duqa magaalada Muqdisho oo warbixin loo gudbiyey kadib qaraxyadii ZOOBE appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this